Allaha u naxariistee waxaa goor dhoweyd oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Xildhibaan Hilowle Iimaan Cumar oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu mudooyinkan xanuunsanaa.
Marxuumka ayaa dhowaan waxaa uu ka soo laabtay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku soo cimreystay.
Xildhibaanka ayaa ku qudh baxay Hotelka Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa.
Marxuum Hilowle Iimaan Cumar ayaa waxaa uu qeyb ka soo noqday maamuladii dalka soo maray, iyo siyaasadii dalka, waxaana uu ahaa nabadoon qeyb ka soo qaatay kaalinta nabada iyo dib u heshiisiinta.
Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.