Magaalada Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaalo ilaa galab-gaabki socday ayaa waxaa saaka laga dareemayaa waxoogaa deganaan ah.
Deganaantan aan salka adkeyn ayaa ah mid sida muuqata ka dhalatay dhinacyada dagaalamaya oo aan wax guul ah kala gaarin marka laga soo tago waxa ay iyagu guul u yaqaan balse la oran karo waa "xasuuq iyo barakicin shacab oo aan geed loogu soo gamban".
Degmooyinkii shalay lagu dagaalay oo dhanka Waqooyi ee ku yaal Waqooyiga iyo bartamaha magaalada Muqdisho ayaan saaka laga maqleyn wax rasaas ah dadka deegaankuna waxay si miir la'aan ah oo aan jiheysaneyn uga barakacaaan deegaanadoodi shalay lagu dagaalay dadkoodiina lagu laayay.
Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayay 25 Qofood halka dhaawucuna uu boqol ku sii dhow yahay.