Af hayeenka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka war bixiyay dagaaladii shalay iyo illaa xalay ka dhacayey degmooyinka Hodan iyo Hawl wadaag ee magaalda Muqdisho.
Af hayeenka ayaa sheegey in dagaalkaas lagu soo qaaday fariisimo ciidamada xarakada shabaabul Mujaahiddiin ay ku lahaayeen degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee magaalda Muqdisho.
Abuu Muscab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalaaasi ciidamada AMISOM ay kaga dileen Sagaal Askeri.
Af hayeenka oo ka war bixinayay qaabka uu dagalkaas u dhacay ayaa sheegey in ay goob ay ku jireen Ciidamada dawladda ay kala wareegeen hase yeeshee ciidamada AMISOM oo goobtaa ku ogaa Ciidamadii dawladda in ay si lama filaan ah u soo galeen dabadeedna ciidamadii xarakada shabaabul Mujaahidiin ee halkaa ku sugnaa ay dhirbaaxo ku dfhufteen Ciidamadii habowga ahaa ee AMISOM halkaasna ay kaga dileen illaa Sagaal Askeri oo ka tirsan ciidamada AMISOM waa siduu hadalka u yiriye.
Abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamadii AMISOM ay kari waayeen in Meeydadkooda halkaa ay ka qaataan iyagoona adegsanayay Taangiyada oo iska daba laabanaya si ay u qaataan Meeydkooda.
Af hayeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalkii manta ay soo qaadeen ciidamda AMISOM ay jab weyn u geysteen isla markaana ay dib isaga caabiyeen.
Abuu Muscab ayaan dhankooda soo qaadin khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii manta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Hodan isagoona intaa raaciyay in ciidamadooda haatan ay ku sugan yihiin wadada Maka al mukarama oo uu sheegey in ay tahay goobtii lagu soo weeraray.
Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan ciidamada ay kala dileen ayaan waxaan jirin warar madax banaan oo sheegaya khasaarha dhab ahaantii kala gaaray labada dhinac.
Si kastaba Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa dagaalkii shalay waxa ay ku sheegeen inuu ahaa mid ay si weyn uga guuleysteen Ciidamadii dawladda iyo kuwii kaabayay ee Ciidamada AMISOM.