Ciidamada Alshabaab ee maamulka Hiiraan ayaa saakay waabirigii weerar ku qaaday maleeshiyaad ku sugnaa halka lagu magacaabo Baar-dhuyac oo 40-km
dhinaca W/qooyi galbeed kaga beegan Beledweyne .
Sidoo kale mas’uuliyiin u hadashay maamulka Xarrakada Mujaahidiinta
Al-shabaab ee magaalada Beledweyne oo xaqiijiyay wararka saakay dhacay,
ayaa waxaa ay intaa ku darreen in weerarka saakay ay qaadeen uu ahaa mid
looga ujeetadiisu aheyd in lagu fashiliyo qorshe dagaal oo ay wadeen
ciidamada dowladda, waxaana ay intaa ku darreen in ay dileen qaar ka mid
ah ciidamadii halkaa ku sugnaa,
Dadka deegaannka oo sidoo kale warbaahintu xiriir la sameysay ayaa waxaa
ay sheegeen in weerarka saakay ay ku dhinteen 2 ruux halka ilaa 5
kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana ay intaa ku darreen in saacado kooban
oo ay halkaa ku sugnaayeen Xoogagga Xarrakada Al-shabaab oo markii danbe
dib ugu soo laabtay dhinaca magaalada Beledweyne.
Ilaa hadda ma jirro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha
dowladda oo ku aadan weerarka saakay dhacay, waxaana xusid mudan in
maalmihii aynu soo dhaafnayba uu jiray abaabul dagaal oo ay wadeen
saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid ah goballka
Hiiraan, laakiin waxaa dhinaca kale iyana jirta foojignaan dheeraad ah
oo ay Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ka qabaan qorshayaasha
Militari ee ka dhanka ah.