Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda Federaalka ayaa reer Muqdisho ugu hanjabay ganaax lacageed haddii ay wadooyinka ku soo daadiyaan qashinka.
Mudane Tarzan, gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ka dib olole nadaafadeed oo weli socda ayaa sheegay in wadooyinka ay nadiifiyeen cidii qashin ku daadisa ay la kulmi doonaan ganaax lacageed.
Maqaayadleyda, kawaanleyda, qudaar-walayaasha iyo dadka dukaamada leh ayuu si gaar ah Mr. Tarzan farta ugu fiiqay isagoo uga digay in ay qashinka ku daadiyaan wadooyinka juhidgha weyn ee nadaafadeed la gelay waa siduu hadalka u dhigaye.
Dhanka kale Alshabaab ayaa Reer Muqdisho u sheegay in ay u diyaargaroobaan dagaal kama dambeys ah oo u dhexeeya islaamka iyo kuwa ka soo hojeeda waa sida ay iyagu qabaane, dagaalkaas oo sida ay damacsan yihiin noqon doono mid aan loo kala hareyn Reer Muqdishana looga baahan yahay in ay u soo istaagaan.
Xaaladan sidan ah ayeey dad badani ku tilmaameen mid la mid ah "hashii laba-midigle soo hooyay dhanna uma fayooba" maadaama Alshabaab dagaal u joog yahay dowladda iyo AMISOM:na ay dagaal kordhiyeyaal yihiin halak maamulka gobolka Banaadirna uu dhibaatadaas ugu sii biiriyay ganaax lacageed.