Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dad qaraqmay iyo mid ka mid ah burcad-badeed oo la qabtay

$
0
0

Ilaa 13 qof ayaa baddu liqday iyadoo 8 kalena la la'yahay kadib markii markab kuwa ciidamada badda US uu isku dayay in uu gargaaro doon ku jabtay gacanka cadmeed. Tanzania-na waxay sheegtay in ay ciidankeedu qabteen mid ka mid ah burcad-badeed.

Saraakiisha Maraykanka ee Washington ayaa sheegay in markabka USS
Winston Churchill uu isku dayay balse ku guulaystay in uu kiciyo
matoorarada doonta kadibna uu u jiiday dhinaca xeebta Soomaaliya.

Hase yeeshee, markii shaqaalihii markabka
Maraykanka ay bilaabeen in ay cunto iyo gargaar siiyaan dadka uu
dadaalkii samafalku isu rogay masiibo kadib markii dadkii doonta saarnaa
ay hal dhinac oo doonta ah isugu yimaadeen, taasoo keentay in ay degto
oo quusto.

Dhamaan sideetan iyo shan qof oo saarnaa ayaa badda ku dhacay.

Wararka ayaa sheegay in ay ahaayeen todobaatan iyo shan qof oo Ethiopian ah iyo toban Soomaali ah.

Dhinaca kale ciidamada badda Tanzania ayaa
sheegay in ay qabteen qof ay uga shakiyeen in uu yahay burcad badeed oo
Soomaali ah kadib markii dagaal uu ka dhacay badwaynta India.

Waxaa ciidamada Tanzania ay sheegeen in arrintan
ay ka dhacday Axaddii xeebaha ka baxsan koonfurta Tanzania oo shirkadda
Ophir ay ka waddo baaritaanka saliid iyo gaas.

Afhayeen u hadlay cidiamada badda, Steven Buyuya
ayaa sheegay in doon burcad badeed Soomaali ah ay rasaas xoog leh ku
fureen markabka cidianka badda Tanzania oo dhibaato ay u gaysteen.

Kadib ayaa doonto ciidamada badda iyo kuwa
booliisku leeyihiin ay eryadeen burcad badeed, iyadoo xiray qof loo
malaynayo in uu ka tirsanaa.

Intii kale ayay sheegeen in ay baxsadeen.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>