Madaxweyne Shariif oo horkacayay Wefdi uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadda mudane Dheeg ayaa safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay magaalada Nayroobi.
Madaxweynaha ayaa sida warar laga soo xigtay Villa Somalia Nayroobi kula kulmi doona mas'uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka kuwaas oo aad u daneynaya in ay ogaadaan shaqsiga uu u soo magacaabayo jagada Ra'iisal wasaaraha.
Shariifka ayaa waxaa laga dhowrayaa in uu dhowaan soo magacaabo Ra'iisal wasaare hanan kara kalsoonida Baarlamaanka iyo tan beesha Caalamka.