Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaa Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay in fariisimo ay ku lahaayeen degmada Hodon lagala wareegay isagoo sheegay inay fashiliyeen weerar kaga yimid AMISOM iyo dowlada KMG ah.
Waxa uu sheegay in bara bagaan ay tahay hadalka ka soo yeeray saraakiil ka tirsan dowlada KMG ah ee ahaa in xoogaga ka soo horjeeda dowlada KMG ah ay kala wareegeen xarumo kala duwan eek u yaala Hodon.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay ay wali ku nsugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen ee Degmada Hodon islamarkaana ay ka hor tageen weeraro kaga yimid Ciidamada midowga afrika ee ku sugan Muqdisho.
Dowlada KMG ah ayaa maalntii shalay iyo doraad sheegatay inay guulo ballaaran ka gaartay dagaalo xoogan oo ka socday degmada Hodon islamarkaana ay dagaalkaas ku qabsadeen xarumo kala duwan oo ay ku jiraan sida ay sheegeen Tarbuunka iyo Isbitaalka xoogga.