Khilaaf salka ku haya dagaal-gelinta ayaa la sheegayaa in uu haatan ka dhex curtay hogaanka sare ee Alshabaab.
Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo sida ay sheegtay soo xigatay ilo-wareedyo la qaadan warkooda ayaa markii ugu horeysay baahisay in Abuu Mansuur uu si heyb-sooc ah ciidamadiisi uga daadgureystay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka carooday qasaare lixaad leh oo si gaar ah dagaalada hadda socda uga soo gaaray ciidankii uu ka keenay Bay iyo Bakool.
Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ciidamada Alshabaab ee Bay iyo Bakool uu ka keenay Abuu Mansuur ay si xun ugu waxyeeloobeen marka la barbar dhigo ciidamada kale ee ka yimid deegaanada ay ka midka yihiin Jubbada Hoose iyo Shabeeladda Hoose.
Marka laga soo tago sheegashada Dowladda mar jiraan warar madaxbanaan óo xaqiijinaya khilaafka Alshabaab u dhexeeya ee dhaliyay in Abuu Mansuur ciidamadiisi la gadoodo.