Jeneraal Dhega-Badan, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa saxaafada u sheegay sida ay ka yeelayaan Suuqa Bakaaraha hantida taal haddii ay ciidamadoodu halkaas gaaraan.
Ciidamada Dowladda oo haatan kulaalaya Suuqa Bakaaraha ayuu Taliye ku xigeenku sheegay inaysan marnaba hantida Soomaaliyeed ee halkaas taal wax u dhibi doonin dhac iyo boobna aysan u geysan doonaan waa siduu hadalka u dhigaye.
Laakiin Jeneraalku wuxuu ganacsatada ogeysiiyay in haddii dhanka Suuqa Xabad looga soo rido ay iyaguna ku ridi doonaan laakiin wax dhac iyo bililiqo ah aysan ugu socon halkaas.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa weli shacabka Soomaaliyeed ka hormuuqda boobkii ciidamada Dowladu u geysteen Suuqa Bakaaraha xiligii ay Itoobiyaanku taageerayeen dowladii Cabdulaahi Yuusuf.