Madaxwenaha dalka Yugaandha Musaveni ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisu Soomaaliya u direyso ciidamo dhinaca ammaanka gacan ka siiya, ciidamadaas oo gaaraya Labaatan Kun.
"Yugaandha waxay caawineysa Soomaalida, waayo waxaan wadaagnaa dhaqan Afrikaannimo iyo hidde, waxaana gacan siineynaa waqtigan kala guurka ah iyo weliba marka laga gudbo, gaar ahaan waxaan gacan ka siineynaa dhismaha hay'adaha dowladda" Sidaas waxaa saraaliilk Reer Yurub ah u sheegay madaxweynaha Yugaandha.
Madaxweynaha Yugaandha oo shaqada ay hadda ciidamadiisu ka hayaan Soomaaliya muhiimadeeda faahfaahin ka bixinayay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa; "Waxaan doonayaa in aan difaacni hay'adaha qaranka Soomaaliyeed, laakiin waxaan iminka ilaalinaa oo kaliya qeybo badan oo ka mid ah goobaha ay qasabka tahay in aan ka difaacno weerarada uga imaanaya kooxaha Alqaacidada xiriirka la leh"
Ugu dambeyntuu Madaxweyne Musaveni wuxuu wacad ku maray in ciidamadiisa marka uu Soomaaliya ku daabulo ay la dagaali doonaan islamarkaana ka adkaan doonaan xoogaga argagixisada ah ee nabada bariga Afrika guud ahaan halista ku ah waa siduu hadalka u dhigay.