Madaxeyne Shariif oo horkacaya ergo ballaaran ayaa galabta dib dalka ugu soo laabtay ka dib markii magaalada Nayroobi wadatashiyo u badnaa soo xulista Ra'iisal wasaaraha uu kula soo yeeshay Xubno Beesha Caalamka ka tirsan.
Dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa waxaa caawa warbaahinta Muqdisho qaarkood u xaqiijiyay mas'uul ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.
Dhanka kale warar laga soo xigtay rag ay xulufo yihiin Madaxweynaha ayaa sheegaya in Madaxweynuhu caawa ku dhawaaqaya shaqsiga uu u arko in uu u dheg nuglaan doono awaamiirtiisa, beesha caalamkana ka kasban kara kalsooni.
Wixii war ah ee dhanka Madaxweynaha ka soo kordha kuna saabsan magacaabista ra'iisal wasaaraha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.