Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya mudaane Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa jooga dalka isu tagga imaaraadka carabta iyadoo la filayo inuu galabta wadahadal la yeesho boqorka dalka Immaaraadka.
Madaxweyne Shariif ayaa casuumaad ka helay boqorka dalkaasi, waxaana safarka ku wehlinaya xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyagoo shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho
Madaxweynaha ayaa ku hakaday dalka Kenya, isagoo kaddibna gaarya magaalada Dubai ee dalka Isutaga immaaraadka Casrabta.