Ku xigeenka hoggaanka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ey la socdaan wafdi dhowaan gaaray Baydhabo ayaa maanta salaadii Jimcaha ku dukaday masaajidka Nasru-diin ee magaalada Muqdisho iyadoo loo maleynayo in xal horudhac ah laga gaaray khilaafkii harreeyey ururka Alshabaab.
Madaxda difaaca iyo tababarada ee Alshabaab ayaa been abuur ku sheegay warar beryahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in isaga Sh. Zubeyr khilaaf kala dhex galay kaas oo halis geliyey jiritaanka ururka Alshabaab.
.
Abuu Mansuur ayaa si cad wuxuu u sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo xilligan ka dhex jira Al-Shabaab isagoo sheegay in murtadiintu is khilaafaan iyagu ey ilaahey dartiis u jihaadayaan waa sida uu hadalka u yiriye.
Waxaa hadalkan uu kaga dhawaaqay masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ka dib salaadii Jimce ee maanta iyadoo ey halkaasi ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
.
Abuu Mansuur ayaa wuxuu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah dowladda KMG iyo ciidamada shisheeye.
Dhanka kale saraakiil reer Baydhabo ah oo beryahan ka tegay meelo ka tirsan gobolada koonfureed ee dalka ayaa la sheegay in dib ugu noqdeen meelahoodu iyadoo uu ka mid ahaa Sh. Xassan Yacquub oo dib ugu noqday Kismaayo iyo kuwo kale oo B/Weyne dib ugu laabtay sida aan warka ku heleyno.
Lama oga illaa iyo hadda marka laga tago inkiraada Sh. Mansuur in khilaafkii la dhameeyey iyo in kale walow ey muuqato isbedel ka yimid dhanka Abu -Mansuur.
Wararka kale oo aan la xaqiijin weli ayaa sheegay in Abu Mansuur uu la kulmay hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aways oo isaga horey si hoose ey ugu eedeeyeen qaar kamid ah ururka Alshabaab inuu walax ka dhaadhiyey Abu Mansuur taas oo aan dhab ahaan la ogeyn.
Lama oga haddiiba uu dhacay kulankan waxa ey ka wada hadleen labadan masuul iyadoo ey soo shaac bixi doono maalmaha soo socda walow la sheegayo in Godane aqbalay in labada urur la mideeyo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa warbaahinta qaar waxaa ay aad u baahinayeen warar muujinaya khilaaf xoogan inuu ka dhex abuurmay hogaanka Al-Shabaab uuna keenay is dhexcaay ciidamada dhexooda ah.
Hasa ahaatee, Abuu Mansuur oo ku dheeraaday arrimahaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay isagoo cadeeyay inuusan jirin wax qilaaf ah.