Dagaalo kooban balse xoogan oo saakay dowladda iyo mucaaradkeeda ku dhexmaray deegaano ka tirsan Waqooyig magaalada Muqdisho ayaa inta la hubo waxaa ku geeriyooday Laba Qofood halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood shacab ah sida dadka deegaanka laga soo xigtay, waxaana sidoo kale adag in la ogaado waxyeelada soo kala gaartay dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.
Dhanka kale qeybo ka mid ah degmada Hodon ayaa waxaa saakay ka dhacay dagaal mudo kooban socday, dagaalkaas oo dowladda iyo dhinacyada ka soo horjeeda u dhexeeyay waloow aan weli wax qasaara ah oo ka dhashay la soo sheegin.