Arbacadii la soo dhaafay Burcad Badeeda Soomaliyeed ayaa daboolka ka qaaday in haddii aan sida ugu dhaqsaha badan loo siin lacagta madax furashada ah ee ay ka doonayaan Badmaaxayaasha ay xubnaha jirka Badmaaxayaasha sida Kelyaha, Baarka iyo Indhaha ka saari doonaan dabadeedna iib geyn doonaan.
Warkan ku saabsan xubnaha jirka ee ay Burcad Badeedu ku dhaarteen in ay ka saari doonaan Badmaaxayaasha dabadeedna suuq furan ama xaraasha ah ku iibin doonaan ayaa waxaa laga soo xigtay mid ka mid ah la-heystayaasha oo dhambaal ka soo diray Telefoonka gacanta lagu qaato.
MV Iceberg oo ku mushaaxayay calanka Panama ayaa waxaa saaran 22 Badmaax oo u kala dhashay dalalka Yemen, suudaan, Filibiin, Ghanees iyo weliba Hindi waxayna 29 Maarso ka dib ku jireen gacanta Burcad Badeeda.
Hadalkan ka soo yeeray burcad badeed ayaa ah kii ugu horeeyay ee noocan oo kale waxaana la yaab ah sida la sheegayo ganacsiga cusub ee laga yaabo in uu ka dilaaco Xeebaha Soomaaliya haddii aan xal degdeg ah loo helin mashaakilka guud ee Soomaaliya iyo weliba Burcad Badeeda.
Linkigan hoose waxaad ka arki kartaa barta aan ka soo xiganay warkan.