Jagada Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee haatan bannaan ayaa waxaa ku soo biiray ragga u xusul duubaya in ay qabtaan mid ka mid ah Soomaalida ka shaqeysa Hay'adaha Qaramada Midoobay.
Dr.Maxamuud Cali Xaaji oo u shaqeeyay QM laanteeda Bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu ka soo dhaqaajiyay shaqadii uu QM ka hayay islamarkaana u soo jeestay tartanka jagada Ra'iisal wasaarenimada Soomaaliya ee haatan bannaan waa siduu hadalka u dhigaye.
Sida caadada u ah qof kasta oo raba in uu qabto jago Dr. Maxamuud Cali wuxuu ku doodayaa in uu wax ka qaban karo mashaakilka Somaaliya haddii loo dhiibo jagada Ra'iisal wasaaraha waxaana doodiisi ka mid ahaa erayadan; "Waxaan u taaganahay jagadda Wasiirka koowad ee maanta bannaan, maadaama aan dalal badan oo sida Soomaaliya oo kale burburay dib u dhiskoodi ka soo shaqeeyay waxaan hadda rabaa in aan dhisamaha dalkeyga u istaago".
Wasirka koowaad booskiisa waxaa u taagan oo madaxweynaha ku qalqaalinaya in uu u magacaabo in ka badan Toban Musharax waxaana dhowaan la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo cida uu u gartay in ay buuxiso booskii uu banneeyay Cumar Cabdirashiid.
halgankanet@gmail.com