Shiikh Yuusuf Indha-Cade oo daalaa dhac siyaasadeed ka dib haatan ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ee u sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka xun yahay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee sida joogtada ah loogu waxyeeleynayo shacabka masaakiinta ah.
Indha-Cade oo horay u ahaa wasiiru-dowlihii wasaarada gaashaandhiga ayaa dowladda, Xisbul islaam iyo Alshabaab si isku mid ah ugu eedeeyay dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah wuxuuna dhinacyadan ugu baaqay in ay dagaalada joojiyaan dadkoodana u turaan waaba haddii ay wax ka maqlayaane.
Hadalka Indha-cade ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho dagaalo ku soo noqnoqday ay ku dhimanayaan shacab aad u fara badan.
halgankanet@gmail.com