Degmada Xudur, xarunta maamulka gobolka Bakool wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu xirxiray qaar ka mid ah odayaasha deegaanka.
Odayaashan oo aan la ogeyn sababta loo xiray ayaa waxaa xalay xili ay jiifeen guryohooda ugu galay ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo odayaasha qasab ku soo kaxeeyay ka dibna xabsiga dhigay.
Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan aayaha dambe ee odayaasha ku jira xabsiga Alshabaab iyadoon la ogeyn ujeedada ka dambeeysa xarigooda.
Alshabaab weli wax war ah kama soo saarin odayaashan ay xirixireen waxaana hadda ku jira gacantooda shan oday oo deegaanka caan ka ah.