Afhayeenka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Shiikh Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ururkooda uu isu soo dhiibay nin lagu magacaabo Maxamad Maxamuud Cabdulle balse Alshabaabbku u yaqaan Cukaashe.
"Sarkaalkan waxaa lagu magacaabaa Maxamad Maxamuud Cabdulle waxayna Khawaaarijtu ula baxeen Cukaashe oo ay u yaqaanaan, waa 27-jir maanta ayuuna go'aansaday in uu ka soo goosta Khawaarjita" Sidaas waxaa warfidiyayaal u sheegay Afhayeenka Ahu Sunna Waljamaaca.
Magaalada Dhuusamreeb oo ka mid ah deegaanada ay ka taliyaan Suufiyiintu ayaa waxaa shalay galab fagaare ku yaal warbaahiyayaasha iyo shcabkaba kula hadlay ninkan ka soo ruqay Alshabaabka waxaana mar uu saxaafada la hadlayay isagoo baaq u diraya dhalinyarada Alshabaabka la safan eraydiisi ka mid ahaa; "Dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo tagaan Alshabaab waayo waxaana ogaaday in ay dhibaato ku hayaan shacabka".
Ugu dambeyntii afhayeenka Ahlu Sunna ayaa sheegay in ninkan oo kaliya uusan ka soo goosan Alshabaab balse ay dhowaan soo bandhigi doonaan rag kale oo u adkeysan dhaqanka arxan darada ah ee Alshabaabka ka gadaalna dhankooda u soo goostay.
Dhinacyada ku dagaala Soomaaliya ayaa inta badan soo bandhiga shaqsiyaad sida ay sheegaan ka soo goostay dhanka kale waana qeyb ka mid ah daagalka afka ee u dhexeeya xoogagan dagaal waxba ku kala qaadi waayay.
halgankanet@gmail.com