Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta aad u cambaareeyay duulaankii saakay ay Cadaado iyo ku qabsadeen cutubyo ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamo ka amar qaata nin lagu magacaabo Cabdi Shukir oo ururkan ka mid ah sida uu sheegto.
Shariif wuxuu sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu yihiin maamul madaxbanaan oo aan haatan dagaalada socda lug ku laheyn islamarkaana ay qalad tahay in deegaanadooda nabdood dagaal lagu qaado dhibaatana loo geysto , waana wax aan loo dulqaadan karin gardarada lagu galay ee Cadaado iyo Godinlabe looga qabsaday sida madaxweynuhu qabo.
"Ahlu Sunna wixii lagu sameeyay ayeey sameeyeen, taasina waa qalad annagu waxaan leenahay hal cadawo, waxaanna waa qalad abuuri kara fidno qabiil" Hadalkaas wuxuu ka mid ahaa hadal uu maanta madaxweyne Shariif ka yiri dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.
Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo iskaashi la leh Ahlu Sunna Waljamaaca hadalkan madaxweynuhuna wuxuu muujinayaa sida ay u liidato lahaanshahooda cadawga guud ka sokoow wada shaqeyntoodu.