Deegaanka Mareergur iyo magaalada Dhuusamareeb oo shalay dagaal looga qabsaday Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa haatan dib u qabsaday isla Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ciidamada Ahlu Sunna ayaa saakay si nabadgelyo ah ku soo galay Mareergur iyo Dhuusamareeb ka gadaal markii xoogagii Alshabaabku ay xalay halkaas dib uga gurteen waxaana hadda labadan deegaan si buuxda gacanta ugu haya Ahlu Sunna Waljamaaca.
Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa gaaf-wareegaya labadan deegaan waxayna ku mashquulsan yihiin dib u yabyabida difaacyadii shalay laga saaray.
Dadka deegaanka oo saakay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Alshabaab xalay markii mugdigu soo galay ay deegaanka isaga carareen cabsi darteed, mana jiraan cid shacab ah oo ay si gaar ah u waxyeeleeyeen Alshabaabku.
Galgaduud ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaalo dhowr jiho ah waxaana hadda xaaladu u muuqataa mid yara degan inkastoo aan la soo sheegin wax waanwaan ah oo socda marka laga soo tago baaqyada samadoonada.