Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa saakay deggan kadib Markii ay shalay ka kala dheceen Weeraro ay ku kala Qaadeen Alshabaab iyo Ahlu sunnah.
Nin Lagu Magacaabo Cabdi Shukri sheegtayna in uu ka tirsan yahay Ururka Ahlu sunnah ee Gobolada dhexe ee markii uu saacado joogay ay Kooxda Al-shabaab weerar ku ekeeyeen
Magaalada dhuusa mareeb oo la aaminsan yahay in ay ka soo duuleen qaar ka Mid ah Ciidankii
Qabsaday Cadaado taasoo ku dhalisay Shabaab damaca ah in ay Magaalada Faaruq tahay
Ama ay ugu yaraan Ciidanka joogaa yar yihiin taas ayaana u sahashay in ay Shabaabka
Si fudud kula wareegaan Magaalo ay waqtiyo kala duwan ku galeen dagaal lagu Hoobtay ayna
dhowr mark ku guul dareysteen.
Markii Ahlu-sunna ay ogaadeen in ay gacantooda ka baxday Magaalada
Dhuusamareeb ayay ku qasbanaadeen in ay dib ug soo dulaan Magaaladan dhuusamareeb oo Aad ugu Muhimsan kooxdooda halkaasoo Maamulkii Ximin & Xeebna u sahashay inay Cadaado Si dhib yar ugu soo guryo noqdaan.
dhinaca kale waxaa isku si Cambaareeyay qabsashada Cadaado Sh Shariif iyo Saaxibkiis Sh C/qaadir oo isaga ka soo jeeda Magaaladaas iyadoo taasina shaki ku abuuri karta kooxda Ahlu sunnah oo isaga shaki sanaa sh. shariif iyagoo qaar kamid ahi horey u sheegeen in Sh. Shariif iyo Cabdiqaadir Cali Cumar eysan ka fogeyn Kooxda Al-Shabaab oo oran karo waxey u hiiliyeen reer Cadaado