Arrin aad loola yaabay islamarkaana la oran karo xaqiiqatan waa Mucjiso ayaa ka dhacday dalka Faransiiska Cusbitaal ku yaal.
Arrintan mucjisad ah oo ka dhacday Cusbitaalka gudihiisa ayaa ah hadal heynta u badan ee dalkaas haatan ay dadku hadal hayaan waxayna intooda badan ku sifeeyay la yaab iyo mucjiso.
Dhacdadan ayaa u dhacday sidan: Haweeyey aad u xannuunsaneyd oo cusbitaalka ku jirtay ayaa waxaa hareeraha ka fadhiyay wiilal ay dhashay, baaritaan dhaqtareed oo lagu sameeyay Haweeneydan xaalad miir la'aan ah ku jirtay ka dibna waxay dhaqaatiirtu sheegeen in waqtigeedi dhamaaday naftuna ay ka baxday waxaana la amray in qalabka dadka neefta lagu siiyo laga fujiyo maadaama sida dhaqaatiirtu sheegeen ay dhimatay.
Laakiin wiilasheedi ayaa diiday in Hooyadooda laga fujiyo qalabkan waxayna ku adkeysteen in loo daayo haddii ay xitaa dhimatay ilaa laga aasayo.
Waxaase la yaab noqotay markii Haweeneydii ay soo toostay laba saacadood ka dib waqtigii dhaqaatiirtu sheegeen in ay ruux baxday oo aan nolol dambe looga fadhiyin.
Waa yaab!!!!!