Xildhibaan ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in uu ka tegay shaqadiisi xildhibaannimo ee ku ka hayay Baarlamaanka Soomaaliya.
Mudanahan oo lagu magacaabo Maxamad Faarax Bile ayaa shalay Boosaaso kaga dhawaaqay in uu iska-casilay jagadii Xildhibaannimada ka dib markii ay guud ahaanba fashilantay dowladda Federaalku waa siduu hadalka u dhigaye.
Xildhibaankan oo aad wax looga weydiiyay sababta rasmiga ah ee ku riixday in uu shaqada ka tago ayaa ku adkeystay in uu isagu shaqsiyan go'aansaday is-casilaada maadaama ay ula muuqato isaga in Dowladu ku fashilanb fulinta hawlihii loo idmay.
Laakiin dadka qaadaa dhigay siyaasada qoloqolada ku dhisan ee Soomaalida ayaa qaba in Xildhibaanada ka soo jeeda maamulka Puntland iyo xitaa maamulka Puntland raga horbooda ay aad uga xanaaqeen hareer marka uu madaxweyne Shariif la hareer maray xilka Ra'iisal wasaaraha, waxaana laga yaabaa sida dadkani rumeysan yihiin in guud ahaan Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ay isaga baxaan Baarlamaanka.