Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Khilaafka Labada Shariif Oo Cirka Galay

$
0
0

Iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay oo la shaaciyo
Khilaafka Madaxda Dowladda KMG, ayaa waxaa iminka heerka ugu qaraaraa
gaaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif
Xasan Sh.Aadan.
Khilaafka mas’uuliyiintani oo gaaray heerkii ugu sareeyay ayaa lagu soo
waramayaa in uu wado Shariif Xasan isla markaasina uu doonayo Shariif
Xasan in ra’iisal wasaare soo magacaabistiisa iyo baarlamaanka in ay
ogolaadaan in culeys xoogan uu saaro.
Sidoo kale Shariif Xasan waxa uu damacsan yahay haddii uu doonayo in la
hirgeliyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya in wasiiro isaga uu
wato xilalka uu doorto loo dhiibo sidaasina ay shaqada ku kala socan
doonto.
Inkastoo arrimahaasi uu doonayo Shariif Xasan hadana Madaxweyne Shariif
ayaa kasoo horjeeda arrintaasi, wuxuna Shariif Sh.Axmed uu doonayaa in
xilka ra’iisal wasaaraha marka la ansixiyo lasoo dhiso Xukuumad tayo leh
oo waxtar muuqata lasoo baxda waqtiga yar ee dowladdaan uga harsan.
Arrimahani oo dhan waxa ay yihiin kuwa la isku mari la’yahay waxaana
Baarlamaanka u fadhiya mar waliba Madaxweynaha Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wixii aan lasoo marsiin baarlamaanka
dhulka la galaya.
Ujeedka dhabta ah ee Shariif Xasan ayaa ah sidii uu ku tuuri lahaa
Sh.Shariif Sheekh Axmed kadibna isaga uu uga noqon lahaa Dalka
Soomaaliya Madaxweyne taasi oo ku imaan karta in marka hore wixii maamul
ah ee jira la burburiyo oo hadda iyo kow dhismo dowlad cusub lasoo
bilaabo.

Xigasho Gedo online


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>