Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamda Alshabaab ee gobolka Hiiraan oo dhaq dhaqaaqyo ka wada meelo kamid ah gobolka

$
0
0

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Xarakada al shabaab ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen degmooyin ka tirsan Gobalka Hiiraan xili gobalkaas ay isku hor fadhiyaan al shabaab iyo ciidamo taabacsan dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah oo ka socda al shabaab ay gaareen magaalada baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan oo dagaalo xoogan oo ay ku dhexmarayaan maalmihii u danbeeyay al shabaab iyo iyo ciidamo ka soo jeeda Gobalkaas oo taabacsan TFG.

Ciidamada al shabaab ee halkaas gaaray ayaa la sheegay inay ku hubaysan yihiin gaadiidka dagaalka waxaana durbadiiba halkaas ka bilowday dhaq dhaqaaqyo xoogan oo sababi kara dagaalo markale halkaas ka qarxa.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan in halkaas uu ka bilowdo dagaal xoogan oo saameeya xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>