Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Soomaali doon saaran oolagu qabtay Mozambique

$
0
0

War laga sii daayay Raadiyaha dalka Mozambique oo sheegay in la qabtay doon dalka Tanzania laga leeyahay, oo ay saaran yihiin ilaa 98 soo galooti sharci darro ah oo Soomaali ah.

Waxaa doonta shalay lagu qabtay biyaha badda Mozambique deegaanka Palma ee gobolka waqooyiga Cabo Delgado ee dalka Tanzania.

Lix qof oo u dhashay dalka Tanzania, oo ahaa ragii doonta waday, ayaa la xiray, oo booliisku ay su'aalo waydiinayaan.

Soomaalida soo galootiga ah, ayaa raadiyuhu
sheegay in loo qaaday xarunta qaxootiga lagu taageero ee Marratane oo ku
taalla gobolka Nampula.

Dhinaca kale, koox kale oo Soomaali ah oo soo
galooti sharci darro ah oo horay loo qabtay, ayaa iyagu wali lagu hayaa
gobolka Palma oo sugaya in la geeyo xerada qaxootiga Marratane ama in la
musaafuriyo.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>