Waalidiinta ku dhaqan magaalada Jowhar ee Carruurtoodu ay wax ka bartaan iskuulaadka ku yaal magaalada ayaa muujinaya welwelka ay ka qabaan tacliinta ilmahooda ka gadaal markii ay maamulka Alshabaabku Manhajka waxbarashada iskuulaadka wax ku soo kordhiyeen.
Alshabaab ayaa ku amray maamulada iskuulaadka magaalada Jowhar in maadooyinka ardayda u loo dhigayo lagu kordhiyo Maado ka hadleysa Jihaadka oo kaliya si markaas jiilka soo koraya loogu abuuro Jihaad Jaceyl.
Walidiinta carruurtan ayaa dhankooda qaba in arintani culeys ku noqoneyso qaab waxbarasheedka carruurtooda waxayna dalbanayaan in carruurtooda Diinta islaamka la baro balse aan fikirka Alshabaab ee dagaal u jooga ah lagu barbaarin waloow aysan si cad hadalkaas gudaha magaalada Jowhar uga sheegi karin.
"Waxaa hadda muuqata in meel kasta ay faraha la galeen xoogaga Alshabaabku islamarkaana aysan jirin meel looga maadan karo mar haddii aan ku dhaqan nahay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya" Mid ka mid ah Waalidiinta magaalada Jowhar oo magaciisa ku soo gaabiyay Axmed Shiikh.