Dowladda Soomaaliya gaar ahaa maaamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay kala xaajoodeen saraakiisha hogaamisa Ciidamada AMISOM duqeynta ay u geysanayaan magaalada Muqdisho qeybaheeda ay ka arimiyaan xooga islaamiyiintu.
Mudane Tarzan, gudoomiyaha goblka Banaadir islamarkaan ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio u sheegay in maamulkiisu la xiriiray saraakiisha ugu sareysa ciidamada AMISOM islamarkaana kala hadlay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Muqdisho sidii ay u joojin lahaayeen.
Tarzan oo hadalkiisi si taxadir leh u sii wata ayaa sheegay in uu ka xun yahay duqeynta loo geysanayo shacabka isagoo duqeyntaas ku sifeeyay mid loo geystay magaalada uu maamulo ee Muqdisho, wuxuuna dhanka kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay shacabka u turaan madaafiicdana ka dhaafaan.
"AMISOM waxaan la qaatay kulan waxaana kala hadlay sidii ay joojin lahaayeen duqeynta ay u geystaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho" Sidaas waxaa Shabelle Radio u sheegay Tarzan, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho.