Xildhibaan Maxamad Cabdullaahi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu shaqsiyan aqoon u leeyahay labadii Gabdhood ee ay Alshabaabku fagaare ku yaal magaalada Beledweyne ku toogteen.
"Aqoon fiican ayaan u leeyahay gabdhahan ay Alshabaabku ku toogteen magaalada Beledweyne, waana kuwa aan xitaa qaangaarain" Xildhibaan Maxamad Cabdullaahi oo faahfaahinayay aqoonta uu u leeyahay gabdhahaas wuxuuna sidoo kale muujiyay sida uu uga naxay falkan.
Dhanka kale xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo mas'uuliyiinta dowladda qaarkood ayaa si kulul u cambaareeyeen falkii ay Alshabaabku ku toogteen laba gabdhood oo ay ka soo qabteen agagaarka Buurta Jowleed dabadeedna ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen dowladda ciidamadeeda ku sugan Hiiraan.