Inta la hubo sadex qofood oo shacab ah ayaa ku dhimatay shan kalena waa ku dhaawacantay madaafiic ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamayay degmada Boondheere qeybo ka mid ah.
Dagaalkan oo ay dhanka kale madaafiicda goobta iyo gantaalo uga qeybqaateen ciidamada AMISOM ayaa sababay qasaare weyn oo soo gaaray shacabka ku dhaqan xaafadaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Sida dadka deegaanka laga soo xigtay dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Alshabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ay deganaayeen ciidamada Dowladda waxaana markii dagaalka ku soo biiran ciidamada AMISOM ee taageera dowladda gaar ahaan qeybtooda ku sugan Madaxtooyada.
Dagaalada noocan oo kale ah ayaa inta badan dhaliyay waxyeelo soo gaarta shacabka masaakiinta ah ee aan dagaalada socda wax lug ah ku laheyn waxaana dhibaatada sii laba jibaara madaafiicda miir la'aanta ah ay dhinacyadu is dhaafsanayaan.
halgankanet@gmail.com