Ra'iisal wasaaraha mar dhow uun helay codka kalsoonida baarlamaanka ayaa looga digay in uu Golaha wasiirada ku soo daro raggii horay uga tirsanaa xukuumadii Sharma'arke.
Xildhibaanadii sagaashanka gaaraya ee u codeeyay in aan Kalsooni la siin Ra'iisal wasaaraha ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen ka dib ka sheegay in ay ku faraxsan yihiin diidmadii ay codkooda u diideen Wasiirka koowaad iyadoo dhanka kale hadda ra'iisal wasaaraha digniin u diray.
Xildhibaan Gaagaale oo ka mid ah Xildhibaanadii doonayay in aan kalsooni la siin Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay Farmaajo uga digayaan in uu ku soo daro Golaha wasirada raggii horay uga tirsanaa Xukuumadii Ra'iisal wasaarihii hore.
Ra'iisal wasaaraha ayaa haatan ku mashquulsan soo xulida golaha wasiirada waxaana la arki doonaa bal in uu hadalka Xildhibaanadan yeelo iyo in kale.
halgankanet@gmail.com