Dagaal aad u culus oo sida dadka deegaanka laga soo xigtay dhaliyay qasaare fara badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa xalay ciidamada Dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray qeybo ka mid ah Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo si toos ah uga dhacay degmooyinka Shibis iyo Boondheere saldhigyada ay ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin ayaa waxaa barbar socday duqeyn aan loo meel dayin oo shacab dhaawac iyo dhimasho ugu geystay deegaano goobaha lagu dagaalay aad uga fog.
Degmada Yaaqshiid waxaa la xaqiijiyay madfac ku dhacay in ay ku dhinteen Laba qofood halka afar kalena ay isla madfacaas ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaan ka tirsanaa sida la soo sheegay hal qoys.
Dhanka kale deegaanada lagu dagaalay oo ay weli ku dhaqan dad shacab ah ayaa waxaa ka dhacay qasaare aan la heyn baaxada uu dhan yahay laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in goobaha caafimaadka la dhigay shacab qaba dhaawacyo kala duwan.
Reer Muqdisho ayaa wehel u noqday madaafiicda ay dhinacyada dagaalamayaahi is dhafsanayaan iyagoon dheg jalaq u siineyn baaqyada ka soo yeeraya shacabka masaakiinta ah baaqyadaas oo ay ku dalabanayaaan in ugu yaraan madaafiicda laga daayo goobaha ay ku sugan yihiin maadaama aysan dagaalada socda wax shuqul ah ku laheyn.