Madaxda urur goboleedka IGAD oo kulan ku leh magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa ka arinsanaya xiisadaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.
Kulankan oo shalay si gogol xaar ah uga bilowday hoolka Shirarka ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa la filayaa in wasiirada ummuuraha dibadu ay ka soo saareen qodobo la doonayo in ay qalinka ku duugaan mdaxweynayaasha dalalka IGAD oo shirkaas dhowaan ku soo biiri doona.
Waxyaabaha la filayo in shirkaas looga doodo islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed loo dhan yahay ayaa waxaa ka mid ah kordhinta tirada ciidamada AMISOM iyo habsami u socodka aftida Suudaanta Koofureed la doonayo in laga qaado si loo ogaado in ay donayaan in ay Suudaan weynta kale ka ruqaan iyo in kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda kulankan ka naawileysa in ay ka soo baxaan go'aano taageeraya dalabkeedi ahaa in ciidamada AMISOM ee ammaankeeda suga loo si kordhiyo.