Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Somalia oo inta badan oo berrito laga soomayo!

$
0
0

Inta badan maamulada aan kala warheyn ee ka jira dalka somalia ayaa caawa ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay Ramadaan iyagoo ku booriyey shacabka dhamaan in ay Soomaan isla markaana ugu bishaareeyey bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya  Xaaji Maxamed Khayrre ayaa caawa Magaalaga Muqdisho ka sheegay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay dhalatay isla markaana maalinta berri ay tahay Ramadaan isaga oo ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay soomaan bisha Ramadaan isla markaana ka faa’iidaystaan wanaagga iyo khayrka bishan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u qaabilsan Xisbul Islaam Macalin Xaashi ayaa caawa Magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay maalinta berri tahay Ramadaan isla markaana looga baahan shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan waxaana uu intaasi ku daray in Gobolo kamid ah kuwa Shabeellooyinka laga arkay bisha Ramadaan.

Sidoo kale waxaa caawa xarunta Puntland ee Garoowe bilashada bisha Ramadaan uga dhawaaqay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Dawladda Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xuseen  waxaana uu sheegay in meelo badan oo kamid ah Puntland laga arkay bisha Ramadaan isla markaana maalinta Berri ay tahay Ramadaan dadkana looga baahan yahay Alle ka cabsi iyo adkaynta Soonka iyo fadaa’ishiisa Wasiirka ayaa waxa uu ku booriyey dadka Saoomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada Puntland in ay si wada jir ah usoo maan isla maraaakan tafaraaruqa iska dhaafaan.

Ugu dambayntiina Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Somaliland ayaa caawa waxay Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland uga dhawaaqday bilshada bisha ramadaan iyadoo dadka ugu baaqday in ay maalinta berri Soomaan bisha barakaysan e Ramadaan.

Sikastaba Culimo’udiinka Ahlu Sunna Wal jameeca ayaa iyagu caawa ku dhawaaqay in meelaha ay ka taliyaan aan laga soomi doonin maalinta berri iyaga oo ku andacooday in aan laga arag bisha Ramadaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>