Image may be NSFW.
Clik here to view.Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya
Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shacabka Soomaliyeed ugu hambalyeeyay
curashada bisha barakeysan ee Ramadaan isagoo ugu baaqay Shacabka in ay
is gargaaraan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo
isagoo ku sugan magaalda Dubai ee dalka isu-tagga imaaraadka Carabta
Telefoonka ugu waramayay Radio Muqdisho ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay
shacabka Soomaaliyeed dhalshada bisha barkaysan ee Ramadaan oo maanta ay
tahay maalintii ugu horeysay oo ay Umadaha Muslimiintu ay soomaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay bil barkaysan oo uu Allaah ka ka raali noqonaayo Adoomadiisa
Aduun iyo Aakhiro intaba loona baahan yahay in laga faa’iideysto
fursadaasi qaaliga u ah umadaha Islaamka islamrkaana aanu Allaah ka
barino in dhibaatada uu naga dulqaado maadaama uu dalka fowda muddo
dheer ku soo jiray dhiig badan oo muslim ahna loo daadiyay si macno
daro ah.