Qarax khasaaro geystay ayaa lala beegsaday dad ka shaqeeynayey nadaafada jidadka magaaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoog badnaa ayaa dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ee ramuudka laga hago.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 2-ruux halka ay ku dhaacmeen in kabadan 10-ruux oo kale kuwaas oo dhamaantoodba ahaa dadkii ka shaqaynayay howlaha Nadaafada sida uu inoo xaqiijiyay Adan Cali oo ka mid ahaa dadkii ku howlanaa Nadaafada.
Qaraxa markii u dhacay ayaa waxaa saxaafada la hadlay gudoomiya degmada Boondheere ee gobalka Banaadir C/laahi Xirsi Istakiin waxa uuna sheegay in ay dileen Ninkii ka danbeeyay Qaraxaasi asagoona saxaafada tusay ramud uu sheegay in uu ahaa kii wax lagu qarxiyay.
Gudoomiaya ayaa sidoo kale waxa u ku eedeeyay in qaraxaan ay ka denbeeyeen Xarada Al-Shabaab.
3dii bishii August ayay ahayd markii qarax caynkaan oo kalaa lala beegsaday dad u badnaa hawayn oo ku howlanaa howlaha nadaafada.
Ma jiro illaa hadda cid sheegatay qaraxan marka laga reebo eedeynta ey dowladu ku eedeysay dhinacyada ka soo horjeeda.