Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal aad u qaraar uu haatan ka socdo deegaano duleedka degmadaas ku yaal, dagaaladaas oo u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Deegaanada Ceelgod iyo Wara-dhuuma-leh ayaa waxaa hadda ka socda dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Ahlu Sunna, dagaalkaas oo sida dadka deegaanka laga soo werinayo ay dhinacyadu isu adeegsanayaan hubka waa weyn iyo kuwa yaryar.
Waxaa adag in la helo warar faahfaahsan oo ku saabsan qasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaas goobaha lagu dagaalamayo oo aan laga agdhowaan karin dartood balse sida warar aan la xaqiijin oo hordhac ah ay sheegayaan qasaare nafeed oo fara badan ayaa labadan dhinac soo kala gaaray.
Shalay ayeey aheyd markii dagaal isla deegaanadaas ku dhexmaray labadan dhinac ay ku dhinteen dad ka badan Shan iyo Toban Qofood halka dhaawacana labaatameeye lagu sheegay, waxayna dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba isugu jiraan shacab iyo xoogagii dagaalku u dhexeeyay.