Deganaansho aan caga badan ku taagneyn ayaa lagu soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolka galgaduud, kadib dagaalo culus oo labadii maalmood ee u dambeeyay halkaasi ka dhacay.
Sida wararku sheegayaan dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanka wara-dhuuma- leh ayaa waxaa laga soo sheegayaa degenaansho, inkastoo ay ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa degaankaasi.
Dadka reer miyiga ee ku dhaqnaa deegaanada lagu dagaalamay oo u badnaa xoolo dhaqato ayaa ka hayaamay deegaanadooda, iyadoo ay jiraan qasaarooyin kala duwan oo dadka ka soo gaaray dagaalada.
Dagaalkii shalay ka dhacay Wara-dhuumo-leh yaa waxaa guulo ka sheegtay Ahlusuna waljamaacah, kuwaas oo gaadiid dagaal ku qabsaday dagaalka sida ey sheegeen.
Ugu yaraan 14-ruux ayaa ku dhimatay dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiil labada dhinac u kala hadashay ay guulo ka kala sheegteen.
Inkastoo waxoogaa degenaansho la dareemayo ayaa hadana waxaa soconaya guluf dagaal kii ugu xooganaa, kaasoo labada dhinac ay isu qoryo guranayaan.
Dagaalada shalay ilaa xalay iyo kan maanta ka dhacay deegaanka War-dhuuman leh iyo deegaano u dhow Guriceel ayaa muujinaya diyaar garowga labada dhinac mudooyinkan ay ugu jiraan dagaalo lagu hoobto oo ku dhex mara qeybo ka mid ah Galgaduud oo ey dhowr mar ka barakiyeen shacab halkaasi ku nool