Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaanimoow Xaal qaado!!!:By Bashiir M. Xersi(fikrad)

$
0
0

Qormadan waxaan ugu magacdaray heesta kooxda qayladhaan”Xildhibaanimoow
xaal qaado” , oo runtii Anigu aan ka helo heesahooda, maadama ay ku sooo
beegmeen xilli aad u xassaasi ah, waa kooxdii labaad oo nooceeda ah ee
Soomaaliyeed, sanado ka hor waxaan si fiican uga wada dharagnay heesaha
bararujinta kooxda caan baxday ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah
dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa, maanta waxaan jeclaan lahaa
inana waxyar ka iraa heestaa iyo sida loola falgalay, ama wixii laga
yiri.
Heestu hal ku dhaggeedu waa:“Xildhibaanimoow xaal qaado”, marka ay soo
baxday waxaan u dhagaystay si fiican, anigoodhawr kol ku ceshtay,
dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta, maalmo ka dib, ayaan dhagaystay
waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar
ahaanba heestan, Anoo fajacsan oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay oo
qaaday? Fudaydka intaa la eg kama filayne, maadaama kooxdan ay tahay
koox iskaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u
heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan
dabeedna ku codeeyaan.
Suaa'lahaa iyo kuwo kale markay madaxayga ku soo dheceen, oon leeyahay:
Allalayle Prof-ku wax dhihid ayuu u baahan yahay, ayaan waxaan dul
sitaagay farshaxanka weyn ee Amiin Caamir oo ka hadlaya heesta iyo
kooxdaba, markaan dhagaystay hadalkiisii ayaan iri”Afkaaga caano lagu
qabay”, wixii niyaddayda ka guuxayey ayaad sheegay, sidaana xilkii iiga
dhacay dad badanoo ila midana ka ridday, markaa baan haddana xasuus
galay oo dib milicsaday, mise waxaa ii muuqday muuqaal aysan niyaddaydu
jeclaysan.
Haddana waxaan ku laabtay Prof-ka, markaas su'aalo badan hordhigay,
Anigoo leh war Prof ma ila xasuusataa kuraastii cascaseed ee Nairobi?
Mise  waa hilmaantay, haddaad illowday waxaan ku leeyahay: “Alla
Illowsha dhawidaa ma umulaa?!”, maahmaah ahaan ayaan uga jeedaa, falka
Adigu ma samayn, balse wadaaggu waa halmaamka!, Anigase prof waxay igu
noqdeen laf dhuungashay iyo boog aan raysan, su'aalaha ayaan sii waday
oon iri: ma waxaad na leedahay xilnibaanadu wa xalaalquutayaal? Ma sidaa
ayaad naga dhaadhicin ood donayaa inaan ku qanacno? Waa ii dhadhami
waysay markaasaaniri: “maya Prof taa iska illow!, laga gudub xilligii
dadku suux sanaayeen ee wixii la doono loo meerin jiray!”.
Hadalkii ayaan sii watay oon ku iri: waxaa nooga joogaa kooxda
qayladhaan, Waayhacusub, qoroyaal iyo mareego u heellin had iyo jeer soo
gudbinta xaqiiqada, ku dhibtayaa ama jeclaataye!, waxaan  ku iri:
kolley waa kuu jeedaa inaad qoonsataye, awood aad wax uga qabato ma
lihide, ma sidii Sheekh Shariif ayaad habaarrami doontaa? Habaar hadduu
wax qabanayo Sheekhuu wax u tari lahaa, markaas baan ku iri: “waxaad ii
sheegtaa tuducda ku gubtay eed isla haysn waysay!?” Inta uusan ii
jawaabin ayaaan ku iri: “Sida caadada ah hadal walba waxa uu leeyahay
reebe ama saare, waxaan uga jeedaa khaas yeelaha hadalka saara wixii soo
dhexgali lahaa, mar waxay ka muuqataa hadalka marna waxay kuba jirtaa
oraahda, marna waxaa lagu gartaa dareenka iyo garashada.
Jawaab waafiyase kama halin, sida uusan u siin wariyihii waraysanayaybe,
haddaa muxuu hadal aan qusayn u soo dhexgalay? Mise waa meeshii laga
yiri: “ Meesha bugta iyo fartaa is og!”, oo wuxuu is leeyahay adna waad
soo galasyaa, hadduuba difaacay kuwaan arkay hubaal inuu soo galayo, ama
Prof ah ahaado ma ayuusan ahaan!, waxaase la yaab leh Prof-ka
aqoontiisii ma wuxuu ka doorbiday inuu ku difaaco wadaadxumayaal iyo
qabqableyaal, xildhibaanno sheegta? Alla Anaa iska ba'ay waa wixii lagu
baroon jiray!.
Maya sidaa ma ahan ee Prof-ka waa lagu duxay, oo yaa ku duxay?
Soomaalidaaa tiraa: “Dariskaa kuma caddeeyo kuna madoobeeyo ee siduu
yahay ayuu kaa dhigaa!”, waxaa ku neefsaday calooshood u shaqaystayaasha
iyo xaraan ku naaxayaasha, marka wuxuuba is tusay ninkii xildibaan
dhaliila inuu Isaga dhaliilayo, Prof ujeedku sidaa ma ahan hadalkuna
Adiga kuma quseeyo ee xasuusnoow, haddii kale waxba ha is qarin ee
bannaanka isa soo dhig, waa la kala dambayn ma ahane wadaadaa lagu wada
joogaa!, saw ma aragtid Wadaadii diinta ee shalay maanta sida ay u
dhaqmayaan?!.
Hadday sheekadaa gaaban ee dareen maaxadka ah na dhex martay Aniga iyo
Prof-ka, ayaa shalay lagu kala dareeray kal fadhigii baarlamaanka,
markaasan iri: Ar Proofoow ma dhex joogtaa mise waa dhuumatay? Anoo raba
inaan dareen siiyo in kooxda Qayladhaan ka saxneyd, oo Isagu bacaad
cidla ah qoor sagaaro ku hayey, tagtadii dhacday 2004-tii iyadoo wali
iga hari la'daday, ayaa waxaan daawaday muuqaal laga soo qaaday kulankii
baarlamaanka, mise waa iyagii oon biyo ismarin, maba isbadalin oo waa
sidoodii, ortii qayladii iyo qalalqabtii ayey wali wadaan, waxaad
mooddaa xoolalay taagan suuqaxoolaha, oo ku guda jira gorgortan iyo iga
dhin, feerka iyo tumburyadu waa astaan ma hartaa, haddii kala dareeray
maxay wali isku sii hayaan?.
Ugu dambayn waxaan dhihi lahaa Prof-ka, “waayuhu is badli maayaane
yuusan hadal kaa tagin”, haddii kale waxaad marti u noqon doontaa
barnaamijka taxane ah ee “labo Codleyn”, taasi handaad ma ahan ee waa
tusaalosiin, maadaama aysan habboonayn kala hadalka iyo isku dhexyaacu!,
dhanka kale waxaan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa kooxda
qaylodhaan, oon leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, ha u jooginnina doc
ka yeer iyo hadaaqaaye toona, waxaad qabanaysaan bulshada ayaa garanaysa
qiimahooda, nin iska dhex arkay erayadiina ma garan karo!.
Waxaan ku soo afmeerayaa qormada erayada heesta “Xildhibaanimoow xaal
qaado”, haddii aan mlaha qaar qaldo qaraalkeeda waa dhaga culays waa ka
cudur daaranayaa, saxnimadeeda waan soo dhawaynayaa, heestiina waa tan,
ee ka haqab beela.

Xildhibaanimoow xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisa haboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Amisom bay xayndaab ugu jiraa
Xerayodoo oodan
Xabaduhu waxay dilaan Maalintii
Maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Xafafka nabarada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Adankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahay
Xaaraan ku naaxaaye.

Xildhibaanimoow xaal qaado

Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.

Baalamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin!!!!.

Xildhibaanimoow xaal qaado.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Fikrada qormadu waxey u khaas tahay qoraaga

halkan kaga jawaab


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>