Dowladda Soomaaliya ayaa looga digay khatarta wax qabad la'aanta iyo khilaafka, mar kalena loo sheegay wax ay tahay in ay qabato.
Waxaa kale oodanjirayaashu sheegeen in ay ka xun yihiin dhacdooyinka
culus iyo hab dhaqanka xubno ka tirsan baarlamaanka oo laga tira badan
yahay ay halkaa ka sameeyeen.
Midowga Yurub wuxuu si aan mugdi ku jirin ugu
baaqayaa Hey'adaha Federaalka ee Soomaaliya in ay soo af jaraan
istijaabinta siyaasadeed iyo muranka dhaawacay rajadii laga qabay kala
guur lagu guuleysto.
Wakiillada Dowladaha Yurub waxay xusuusisay
Hoggaanka iyo Hey'adaha Federaalka iyo weliba xubnaha baarlamaanka, in
ay si wadajir ah ay mas'uul uga yihiin xilliga ku meel gaarka ah.
Iyada oo in ka yar 10 bilood ay ka hartay
xilliga ku meel gaarku uu ku dhammaanayo, hey'adaha Federaalku waxay u
baahan yihiin, ayay Yurub tiri, in ay si deg deg ah u waajahaan hawlaha
ugu muhiimsan ee horyaalla, kuwaas oo ah, soo celinta nabadgelyada,
socodsiinta hawlaha dib u heshiinta iyo hawlaha muhiimka ah ee ku meel
gaarka, oo uu ka mid yahay hannaanka Dastuurku.
Danjirayaasha Midowga Yurub, waxay sheegeen in
iyaga oo wakiil ka ah deeq bixiyayaal muhiim u ah Soomaaliya, in ay
xusuusinayaan Hey'adaha Federaalka in kaalmada Midowga Yurub ay siineyso
hey'adaha Federaalka Soomaaliya ay si weyn ugu xiran tahay waxa laga
qabto hawlahaas loo cayimay.
Madaxda Soomaaliya
Ma aha markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya la xasuusiyo amaba loo meeriyo waxyaabaha ay tahay in ay qabato.
Laakiin markan arrintu waxay si gooni ah ugu qalloocan tahay labada mas'uul ee u sarreeya dalka.
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, waxaa New York
iyo Madrid labadaba loogu sheegay in uu soo afjaro khilaafka u dhexeeya
madaxda sare.
In la soo dhiso dowlad. Iyo soo bandhigto waxyaabaha ay qabaneyso xilliga kooban ee ka haray ku meel gaarka.
Taasi weli ma suurta gelin. Inkasta oo dowlad la
dhisay baarlamaankii ma ansixin. Khilaafkii Madaxduna wuxuu ku xiran
yahay hadba cidda aad weydiiso in uu dhammaaday iyo in kale.
Xataa shirkii Madaxda IGAD ay isugu timid,
Soomaaliya waxaa matalayay xubin baarlamaanka ka tirsan oo hore Wasiir u
ahaan jiray, maaddaama Madaxaweynihii iyo Ra'iisal Wasaarihiiba ay ku
mashquulsan yihiin khilaafka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif
Xasan Shiikh Adan, waxaa u suurta geli la' in uu maamulo baarlamaankii
uu mas'uulka ka yahay.
Waxaa dhacday in laga bannaday in uu cod u qaado Xukuumadda.
Waa dhab in lagu murmay in codku qarsoodi yahay iyo in uu yahay gacan taag.
Laakiin ma ahan taas macnaheedu in la baajiyo codkii loo qaadi lahaa Xuakuumadda cusub.
Sidee baarlamaanku u shaqeyn kari doonaa, haddii marba kooxda laga tiro badan yahay ay diiddo in cod la qaado
135 isku dayay in ay u qaxaan Yemen. 11 keliya ayaa ka badbaaday.
su'aashu waxay noqoneysaa sidee baarlamaanku u shaqeyn doonaa?
Qarsoodi iyo Gacan taag
Codka
qarsoodigu wuxuu saamaxayaa in mudane kastaa uu sida ay isaga la tahay
codka u bixiyo, isaga oo aan ka baqeyn muran iyo su'aalo ka daba yimaada
sida uu u codeeyay.
Haddii ay noqoto gacan taag, waxaa jiraya dhowr arrimood.
Dadka qaar waxay ka baqayaan hanjabaad iyo caga jugleyn.
Qaar kale waa kuwa doonaya in ay laba
wajiileeyaan oo waxa ay afka ka sheegayaan iyo sida ay codeynayaan ay
kala duwanaan lahaayeen.
Kuwa kalena waa qaar laga yaabo in ay laaluush iyo daneysi kale oo shakhsi ah ka baqaya in arrintani ay ka hor istaagto.