Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qaraxyo laba ah oo ka dhacay gobollada dhexe ee somalia

$
0
0

Wararka aan ka heleyno gobolada dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaasi qarax aad u xoog badan ka dhacay kaas geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Miinadan ayaa ka dhacday Inta u dhexaysa Deegaanada Ceel-gododle iyo Waro-dhuumale ayaa waxa ay maanta miino kula kacday Gaari la sheegay in uu sanaad meleteri u waday Ciidamada Xarakada Al shabaab ee dagaalka kaga jira Deegaanka Waro-dhuumaale ee Gobolka Galguduud halkaasi oo ay maal mahan ka socdeen dagaallo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu Sunna Wal jameeca.
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay maqleen shanqarta qaraxa isla markaana ay arkeen holac iyo uuro  daran oo cirka isku shareertay kadib markii uu qaraxu la kacay Gaariga Saanad meleteri u waday ee ay wateen Ciidamada Xarakada Al shabaab.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa Gaarigaasi la kacay, hase yeeshee qaar kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in uu gebi ahaanba bur buray Gaariga uu qaraxu la kacay isla markaana waxay sheegeen in ay arkeen qaar kamid ah askartii saarnayn Gaariga oo waxyeelo soo gaartay iyaga oo xaaqjin waayey tirada dhabta ah ee khasaaraha, kadib cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Xarakada Al shabaab.
“Waxaan maqlay qarax xooggan, waxaan arkay hulac cirka isku shareeray, kadibna waxaan atrkay Gaarigii oo gebi ahaanba gubtay, sidoo kale waxaan arkay qaar badan oo kamid ah askartii Gaariga saarnayd ee dhulka taalla, runtii maaqaan khasaaraha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, Gaarigu waxa uu ahaa nooca waa weyn BJ-ga loo yaqaan”, sidaasi ayaa waxaa yiri mid kamid ah dadka Deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego.


Qaraxan oo dhacay saaka barqanimadii ayaa waxaa sheegtay ururka Ahlu sunnah wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay dagaallo xooggan ay ka socdeen Deegaanka Waro-dhuumaale kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al shabaab.


Dhinaca kale wararka naga soo gaaraaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi maanta Gaari yar ay miino kula kacday kaasi oo ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dadkii saarnaa oo ahaa dad rayid ah.
Inta lasoo sheegay afar ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa oo la kacay Gaari noociisa lagu sheegay TOYOTA kaasi oo ka baxay Degmada Maxaas iyada oo uu qaraxu ku haleelay Deegaanka Qoorweyne oo 2.5-kam dhinaca Bari kaga aadan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.


Dad kusugan Degmada Maxaas ayaa sheegay in Gaariga ay la kacday miino dhulka lagu aasay, sidoo kale waxa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ahaa mid si tijaabo ahaan loo kaxeeyey kadib markii saaka lala kala wareegay iyadoo Gaarigaasi iibsaday nin lagu magcaabi Sheekh Cilmi Xuseen Kumando kaasi oo kamid ahaa afarta ruux ee qaraxa ku geriyootay.
Miinada Gaariga kula qaraxtay Deegaanka Qoorweyne ee Degmada Maxaas ayaa waxaa looga shaki qabaa in ay ka hartay miinooyin Deegaanadaasi lagu aasay hadda kahor xilliyo ay halkaasi dagaallo ka jreen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>