141 Soomaali ah ayaa lagu xiray waddanka Mozambique, kadib markii ay si dharci darro ah ku galeen waddankaasi, sida ay sheegeen ciidamada booliiska ee Mozambique.
Dadkan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba baabuur oo ah noocyada waaweyn ee xamuulka.
Dadkan ajnabiga ah waxaa lagu soo qaaday laba
loori. Waxa ay u muuqatay in baabuurtu ay wadeen ganacsi, sidaa waxa
yiri Miguel Bartolomeu, oo ah sarkaalka dhinaca arrimaha bulshada u
qaabilsan booliiska gobolkaasi oo u warrmayay telefishin madax banaan oo
ku yaala Mozambique.
Sida uu sheegay Bartolomeu, Soomaalida sida
sharci dararada ah ku galay Mozambique, waxa ku lug leg shabakad ka
shaqeysa sidii dadka soo galootiga ah loo gudbin lahaa.
Darawaliinta waday dadkan soo galootiga ah ayaa
isku dayay inay isticmaalaan jidad kale oo ay uga fogaanayaan goobaha ay
booliisku ku baaraan gaadiidka.
Qorshe aan shaqeyn ayuu noqday tan iyo markii booliisku ay ogaadeen waxa ay darawaliintu sameeyaan.
Saciid Cumar oo ah mid ka mid ah darawaliinta,
ayaa ka waramay sida loo siiyay tilmaamaha, in dadkan ay u socdeen
Chimoio oo ah caasimadda gobolka bartamaha Mozambique ee Manica.
Inta badan dadka sida sharci darada waxay ay
Mozambique u isticmaalaan dal ay sii maraan, iyagoo uga sii gudba
waddanjka Koonfur Afrika.
Dadka ugu tirada badan ee muddooyinkan danbe
halkaasi mara waxay yihiin Soomaali, oo tiradoodu sii kordheysay bilihii
ugu danbeeyay, iyadoo boqolaal ka mid ah lagu qabtay gobolada dhinaca
koonfureed.
Tiradana Soomaalida ah ee la qabtay ayaa ah tii
labaad ee ugu balaarneyd muddo toddobaad gudaheed ah. 18 bishan November
ayaa waxa la xiray 97 qof oo Solomaali ah, loo lagu qabtay degmada
Murrupula.
Dadkaasi Soomaalida ee la qabtay ayaa waxa ay ku dhex jireen konteenar.