Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qaar kamid ah Mudanayaasha Barlamanka oo eedeeyn u jeediyey madaxda Dowladda KMG ah

$
0
0

Qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah  inay iyagu mas'uul ka yihiin ansixin la'aanta xukuumadda Soomaaliya.
"Madaxweynaha, wuxuu ahaa sharci ilaaliyaha dalka, balse isaga ayaa jabinaya, waayo wuxuu xafiiskiisa kasoo abaabulay khilaafka baarlamaanka ka dhex-taagan, taasoo ay xildhibaannadu ku kala tageen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Cumar Gaagaalle, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Gaagaale, oo ka tirsan xildhibaannada qaba in codka laga dhigo mid qarsoodi ah, ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay badankood qabaan in codka laga dhigo qarsoodi, balse ay jiraan kulammo looga hortagayo oo ka socda madaxtooyada.
Mudane C/qafaar Daahir Maxamed, oo isaguna ka mid ah xubnaha baaramaanka ee qaba in codka laga dhigo gacan-taagga, ayaa sheegay in khilaafka baarlamaanka uu mas'uul ka yahay Shariif Xasan, isagoo ku eedeeyay inuu la saftay mid ka mid ah garabyada mudanayaasha baarlamaanka ee mooshinnada soo gudbiyay.
Horraantii toddobaadkan, ayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku kala qaybsameen habka loogu codeynayo xukuumadda cusub, waxaana muran badan kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay inuu kulanka xiran yahay.
Inkastoo, aanay jirin muddo rasmi ah oo loo qabtay inuu qabsoomayo, ayaa waxaa haddana ka socda Muqdisho dadaallo la doonayo in la isku fahamsiiyo xubnaha baarlamaanka, si ay codka kalsoonida ugu qaadaan toddobaadka soo socda xukuumadda.
Xildhibaan C/naasir Max'ed Gaarane, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in muranka intiisa badan la dhameeyay, dhawaanna la rajeynayo in xukuumadda codka kalsoonida loo qaado.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>