Xoogaga Alshabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in wadada loo galiyay gaarina laga gubay xili ay kolonyo ahaayeen.
Gaariga Alshabaab laga gubay ayaa la sheegay in uu basbeelay ka dib markii uu haleelay gantaal ay ku rideen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhuumaaleysanayay deegaanada ay gacanta ku hayaan alshabaabku.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas wuxuuna sidoo kale ku goodiyay in weerarada noocaas oo kale ah ay sii socon doonaan.
Dhowaan ay aheyd markii weerarka gaadmo ah lagu qaaday saldhig ay Alshabaabku ku lahaayeen magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan waxaana hadda muuqata in ciidamada dowladu ay u dagaalamayaan qaab ku dhufoo ka dhaqaaq oo kale ah.