Taliska ciidanka Boolsika kenya ayaa daboolka ka qaaday baaritaan ka dib in qarixii ka dhacay magaalada Nayroobi gaar ahaan xaafada Islii aysan wax shuqul ah ku laheyn xoogaga ka dagaala gudaha dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada booliska Kenya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in natiijooyinkna baaritanadii la sameeyay ay tilmaamayaan in xoogaga Soomaalidu aysan wax lug ah ku laheyn weerarkaas galaaftay nolosha hal askeri kuwa kalena dhaawacay.
Hadalkan ayaa ka dhigan mid yara qafiifinaya cabsidii ay qabeen soomaalida naftooda iyo maalkooda intaba isugu geeyay xaafada Islii ee magaalaada Nayroobi.