Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Major Burjiko Bahuuko oo dafiray in gaadiid dagaal laga gubay

$
0
0

Major Burjiko Buhuko oo ah afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM ayaa inkiray in ciidamada Shabaab ka gubeen dabaad ey iyagu leeyihiin kadib markii ey sidaasi  sheegeen xarakada Alshabaab.

Burjiko Buhuko ayaa yiri “waan maqlayney sheegashada Ashabaab In ay Khasaare Gaarsiyeen Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM”, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in hadaladaasu ay yihiin kuwo Barabaganda ah isla markaana xaqiiqda aad uga fog.
Af hayeenka ayaa qirey inuu jiro gaadiid ay ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku Ciladoobay waa siduu hadalka u yiriye Xaafadaha lagu dagaalamayo balse aysan taa micnaheedu ahayn in Al Shabaab ay wax gaarsiiyeen.
Major Burjiko Buhuko ayaa sheegey in Ciidamadooda ay suurta gashay in gaadiidkii Ciladoobay in ay halkaa ka soo Jiidaan isla markaana ay soo gaarsiyaan Xeryahooda.
Af hayeenka Ciidamada AMISOM ayaa mar kale digniin u direy Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagaalada loo soo hoggaaminayo waa sida uu hadalka u yiriye ama lagu soo qaldayo isagoona intaa raaciyay inay la socdaan oo ay ogyihiin in Meelo ka baxsan magaalada Muqdisho lagu tababrayo Dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasoo uu sheegey in la keenayo goobaha dagaalada.
Burjiko Buhuko ayaa  intaa ku daray in dagaalada ka socda Degmmada Boondheere in aysan ahayn dagaalo caadi ah isagoona ku Goodiyay in Xarakada Shabaab dagaalka ay la sii wadi doonaan inta ay magaalada ka saarayaan ama ay nabadda qaadanayaan.
Afhayeenkan ayaa dhinaca kale dhalinyarada haatan la soo dagaal gelinayo ugu yeeray inay ka joogaan haddii kalena ay mari doonaan waa siduu hadalka u dhigaye halkii ay mareen dhalinyaradii hore looga keenay Gobolada Bay iyo Bakool.
Si kastaba, Hanjabadaha ka soo yeeraya AMISOM ayaan ahayn markii ugu horreysay iyagoo dhowr mar oo hore sheegay iney talaabo ka qaadayaan Alshabaab.
Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay dhanka Alshabaab iyagoo horey u sheegay iney jabiyeen ciidamada AMISOM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>