Maamulka Somaliland ee aqoonsi waa halkiisee goonida isaga taagay Soomaalida inteeda kale ayaa hadda muujinaya cabsi xoogan oo ay ka qabaan qalabeynta iyo tababarida ciidamada Badda ee Puntland.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Jaamac Cusmaan oo idaacada BBC:da la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga welwesan yihiin ciidamada ay shirkadda gaarka loo leeyahay u tababareyso Puntland.
Wasiirku wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in labaatan sano oo Soomaaliya hub lagu daabulayay ka dib ay hadda bilaabato qalabeyn iyo tababarid heer caalami ah ciidamo deegaan waa siduu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyntii wasiiirku wuxuu ku celceliyay in maamulka Somaliland ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ciidamadan Puntland loo carbinayo.
Qaramada Midoowday ayaa ciidamada badda ee loo carbinayo in ay u jilib dhigaan Burcad Badeeda soo dhoweysay halka Mareykankuna walaac ka muujiyay balse loo joogee ciidamadaas waxa ay ka qabtaan burcad badeeda Soomaalida ee dhuunta u gashay musaafurka badda.