Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ka hadlayay daagalada aan dhammaadka laheyn ee ka socda Muqdisho

$
0
0

Maxamad Xasan Xaad, gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay dagaalada aan dhammaadka laheyn ee ka socda koofurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Mr. Xaad wuxuu muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka, dhaawaca, barakicinta iyo weliba hanti burbruinta lagu hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaana uu ku baaqay in dagaalada la joojiyo.

AMISOM ayuu sheegay Xaad in ay kala hadleen madaafiicda ay ku garaacayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho waloow aysan muuqan wax natiijo ah oo laga gaaray la hadalkaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee wuxuu caaqilku ugu dambeyntii dhinacyada ku hardamaya dalka ugu baaqayaa in ay dagaalada joojiyaan miiska wadahadalkana isugu yimaadaan si loo daba qato hambada shacabka Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles